Somaliland oo fadeexad ka raacday Xarigii milkiilaha Universal TV [Akhri sida loo sii daayay -Sawirro]

0

Maamulka Somaliland ayaa fadeexad ka raacday xarigii ay  u geysteen milkiilaha Telefishanka Universal Axmed Abuukar oo ciidamada booliska Hargeysa xabsiga dhigeen.

Wararka ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayay milkiilaha Universal TV Eng Axmed Abukar  kadib markii uu soo dhex galay arrinta madaxweynaha maamulka Kilinka Shanaad ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Sida uu sheegay mid ka mida shaqaalaha TV-ga mas’uuliyiinta Somaliland waxay diideen codsi uga yimid madaxweynaha Soomaaliya inay sii daayaan milkiilaha oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho, laakiin waxaa dhacday inay degdeg u sii daayeen markii uu la xiriiray Cabdi Maxamuud Cumar oo ah Madaxweynaha Kilinka Shanaad ee Itoobiya.

Injineer Axmed aya xiriir fiican la leh madaxweynaha Kilinka Shanaad halkaasoo uu gacan ka geystay dhismaha TV-ga Soomaalida Itoobiya ee ESTV. waxayna arrintan u noqoto mid uu kaga badbaado inuu ku sii jiro xabsiga Hargeysa oo uu uga horeeyay Weriye C/maalik Coldoon.

Abukar Mahdi ayaa bartiisa Facebook ku sheegay ereyadan:


SAWIRADAN WAA 30MINT KA HOR. TANA MA INOO DAMBEYSAY DADKEYGOOW.. WAXAA AYAAN DARO AH CODSIGII MADAXWEYNE FARMAAJO OO SOMALILAND DIIDAY BALSE 2 SAACADOOD KA HOR WAXAA SI KULUL ULA SOO HADLAY MADAXWEYNAHA KILINKA SOMALIDA ITOBIYA CABDI MAXAMUD . SI DEG DEG AH AYAA ENG AXMED XORIYADISA LOOGU SOO CELIYAY WAXAA LA GEEYAY HOTEL MANSOOR. WAAKUWAA ISAGA IYO SHAQAALAHA TVGA OO SOO BOOQDEEN.. ENG WUXUU KUSII SOCDAY CALEEMO SAARKA MADAXWEYNE FARMAAJO OO UU CASUUMAD KA HELAY SAAXIIBO HORENA AHAAYEEN. WAXAAN U MAHAD NOQAYAA DADKEYGA SOOMALIYED EE KA QEYB QAATEEN COMMENTIGA EE MUUJIYEEN SIDEEY UGA XUN YIHIIN XARIGA ENG AXMED. ABAAL WEYN BAAN IDIIN HAYAA..

Goobjooge.com