Maamulka la baxay Somaliland ayaa shaaciyay inuu xabsiga dhigay Ismaaciil Cumar Madar laga soo celiyay tartame ahaan uga qeyb galay tartanka Quraanka ee Imaaraadka.
Ninkan ayaa sheegay in laga soo eryay tartanka Abaalmarinta Dubai ee Qur’aanka kariimka ah, ayna ugu wacan tahay mowqifkii ay Soomaaliya ka qaadatay khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka.
Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil ayaa laga soo xigtay in Ismaaciil laga qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, isagoo u socday Qadar.
Wuxuu ku eedeeyya in markii uu Imaaraadka tegay inaysan la socon xaaladiisa wasaarada Diinta & Awqaafta Somaliland, wax xiriir ahna aanu la sameyn xafiiska Somaliland ee Imaaraadka oo ay wateen qolyo reer Muqdisho ah.
Arrintan ayaa soo baxday kadib markii Hay’adda qaabilsan tartanka Dubai ee Qu’raanka ay sheegetay in Ismaaciil Cumar looga reebay tartanka isagoo ku haray wareegii koowaad, lana siiyay lacag gaareysa 40-kun oo Dirham.
Somaliland ayaa xabsiga dhigtay Ismaaciil Cumar, waxaana loo heystaa inuu baahiyay dacaayado ka dhan ah Imaaraadka Carabta, una socday dalka Qarar.
Goobjooge