Monday, June 23, 2025

Soomaali afduub ka geystay Texas, oo toogasho lagu dilay

Booliska Mareykana ayaa dilay nin Soomaali ah oo hubeysan, kaasoo  gudaha u galay dukaanka weyn ee shirkadda Walmert, kuna yaala magaalada Amarillo ee gobolka Texas dalka Maraykanka.

Warbaahinta gudaha ee gobolka Texas ayaa sheegaysa in ninka afduubka geystay uu ahaa Soomaali isagoo dalabanyey in qaxooti ahaan loo qaabilo markii hay’adda socdaalka Mareykanka ay u diiday.

Ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran SWAT Team ayaa goobta tegay ayaa toogasho  ku dilay ninka hubeysnaa.

Booliska Magaalada Amarillo ayaa bartooda Twitter ku sheegay in dadkii la afduubtey ay bed qabaan lana diley qofkii afduubka geystay.

Faahfaahin lagama bixin heynta ninkan asalkiisa  Soomaaliga yahay ee falkan ku kacay, waxaana dalka Mareykanka ka jira xaalad ammaan oo adag.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON