Friday, July 11, 2025

Soomaali fal afduub ah ka geystay Dalka Australia oo toogasho lagu dilay [Akhri Warbixinta]

Nin Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Australia kadib markii uu fal afduub ah ka geystay dalkaasi, laguna tuhmay inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish.

Muwaadinkan Soomaaliga ah ayaa  Ciidamada Booliska dalka Australia ay toogteen kadib howlgal ka dhacay magaalada Melbrourne, kadib markii uu afduub kula kacay haweeney.

Booliska  Australia ayaa sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Yacquub Kheyre uu weerar argagixiso ku kacay, isagoo qof haween ah, waxaana Boolisku is weydaarsadeen rasaas keentay inuu goobta ku dhinto.

Ninkan ayay Boolisku sheegeen in sanadkii 2009 loo xiray eedeyn ku saabsan inuu qorsheeyay weerar ka dhan ah xero milateri oo ku taala magaalada Sydney, laakiin dembigii lagu waayay.

Howlgalka lagu dilay Kheyre, laguna soo furay haweeneyda uu qafaashay ayaa waxaa kaloo ku dhaawacmay saddex askari oo booliska dalkaasi. Taliyaha Booliska Graham Ashton ayaa sheegay in Kheyre uu telefishin magaaladaasi ku yaala uu taleefoon kula hadlay, isagoo u sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish.

Ninkan ayaa qoyskiisa isagoo saddex sano jir ah geeyeen dalka Australia markii ay deganaansho ka heleen dalkaasi iyagoo qaxooti ku ah dalka Kenya, waxaana lagu yiqiin falal dembiyeeyo xiriir ah iyo inuu ahaa qof go’doonsan oo qosykiisa ka baxsaday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON