Waxaa sii kordhay tirada dadka xujeyda ah ee ku dhintay shilkii Jimcihii ka dhacay Masjidka Barakeysan ee Xaramka magaalada Maka dalka Sacuudiga, waxayna wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Sacuudiga ay sheegayeen in tirada dadka ku dhintay Wiishka kusoo dhacay Xaramka ay gaartay 107 ruux, dhaawacuna ka badan yahay 200 kale.
Gurmad weyn ayaa loo sameeyay dadkii waxyeeloobay, waxaana la nadiifiyay guud ahaan burburkii ku dhacay masjidka oo marti gelinaya hadda tiro ka badan 2 Milyan oo Xujeyda sanadkan ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dadka dhaawacmay ay ka mid yihiin saddex ruux oo xujeyda Soomaalida ka mida inta ilaa hadda la xaqiijiyay, waxaana weli socda caddeynta magacyada dadkaasi oo dalal kala duwan kasoo jeeda.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tacsi ku aadan shilkii ka dhacay Magaalada Maka u diray Boqortka Sacuudiga Boqor Salmaan oo dunida muslimka oo dhan tacsi ay gaarsiiyeen.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]