Saturday, June 28, 2025

Soomaali ku xayirneyd dalka Kenya oo lagu soo celiyay Muqdisho & Garowe (Sawirro)

Waxaa si rasmi ah u bilowday daad gureynta Soomaalida in ka badan bil ugu xayirnaa dalka Kenya ee ay qabsadtay howsha socdaal joojinta la xiriirta la dagaalanka iyo xakamaynta xanuunka Karoona feyrus.

Dadkan oo lacago ka badan kuwii caadiga ahaa bixiyey ayaa qeybtii ugu horeeyay ku soo laabtay Muqdisho iyo Garowe, markii ay u hoggaansameen tilmaamaha ay bixisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa sheegay in 114 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Kenya la soo daadgureeyay, si nabad ahna ay ku kala gaareen gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ee Jeneraal Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe.

Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya, Turkiga iyo Pakistan ayaa si aad ah uga shaqeeyay howlaha soo daadguraynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celiyay, iyadoo la hubiyay bedqabkooda caafimaad si gaar ah feyruska Karoona kahor inta aanay soo safrin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON