Waxaa in muddo ahba gaar ahaan inta lagu jiray muddada burburka ii muuqaneysay in mujtamaca Soomaalida uu sii lumanayay tabarti uu ku hanan lahaa dawlad awood leh oo ku faaneyso dhamaan kalsoonida guud ee shacabka oo dalka hormarisa isla markaana si wax ku ool ah uga qayb qaadato hawlaha ka dhex soconaya mujtamacyada aduunka ee heerarka kala duwan.
Marka laga reebo 10 sano ee dagaal-oogayaashu malayiin shacab ah ku laayeen dalka gaar ahaan caasimada min 1991 ilaa 2000, maamulka tuulada Carta, dalka Djibouti lagu soo dhisay sannadka 2000 ilaa maanta dawladda hadda xafiiska fadhida oo lagu sheegay in la soo doortay 2012, mar keli ah lama arag maamul qur ah ee shacabku mahadiyo oo aan ka aheyn been iyo ballamo sidii ay ahayeen u fula. Tusaale hiigsiga 2016 iyo sida uu u dhicisoobay iyo isbedelka lagu taamayay muddada dheer oo Madaxweynaha hadda xafiiska fadhiya doorashada ku soo galay oo aan ilaa hadda waxba ka soo naasa cadaan.
Dadka isku sheega inay yihiin hoggamiyayaasha siyaasiyadda, maamulka dawladnimada waxay ka dhigeen oo kale sida ceel ay u soo arooraan reero raba inay biyo ceelka ka dhaansadaan galabtiina ka caraabaan ayadoo aanba, haba yaratee, qorshaha lagu darin sidii ceelka loo daryeeli lahaa loogana ilaalin lahaa inay biyuhu guraan si uu ceelku u abaadiyo oo looga manafacaadsado weligii oo dhaxal ahaan loogu gudbiyo jiilasha dhalan doona mustaqbalka. Waxa maamul wanaaga (Good Governance) meesheedii galay oo lagu bedelay (Neptism) qaraabo kiil (Cronyism) saaxiib iyo isticmaarka oo laga daba nashnashleeyo (Colonial stooges).
[ad name=”HTML-1″]
Qabki Soomaalida waxaa lagu bedelay quursi gobannimada ay lunto. Muddo ku siman 14 sano, waxaa shacabka Soomaalida soo maray dawlad-ku-sheegyo dhicisoobay oo muddo xafiiska fadhiyay oo aan haba yaratee wax dhaxal ah uga tagin dalka kana aruursaday xooga sandareerto ah kaddibna xafiiska baneeyay kuna wareejiyay xilka kuwa aan dhaamin. Booli aruursiga musuqa ku dhisan ka sokow, waxaa u badan sooryada laga soo qaato maryoweynta petro-dollarleyda Carbeed xoolahaas oo magaca shacabka lagu soo qaaday a seen soo gaarin shacabka masakiinta.
Waxa jirta maahmaan Talyaani ah oo oraneysa: “Non vi e’ cibo di Re’ piu’ gustoso del pane” oo macnaheedu yahay: “Ma jirto cunto Boqorku cuno oo ka dhadhan fiican rootiga”. Rootiga boqorka iyo kaada waa isku mid oo waa isku dhadhdan sida darteed wax kasto aad quudaneyso xalaal ku cun inta aad ku cuni lahayd xaraan waayo xaraantu dhashaada ay dhibaato gaarsiineysa saa waxaad siisay sun iyo dhuunkaal.
Dhabaha ay Soomaalida hadda ku socoto ma noqon doona mid dalka iyo dadka uga badbaadi karo cadaawaha raba inuu kala qaybsado waxaana shacabka Soomaalida la gudboon inay si daacad ah u heshiyaan una tashadaan oo dalka laga samata bixiyo inuusan xoriyadda waayin isla markaana la dhiso dawlad ka nasahan xumaan oo dadka iyo dalka ugu shaqeysa si mutadawacnimo ah inta lagu jirto waqtiga gurmadka.
Wa Billahi Towfiiq
W/Q: C/qaadir Maxamuud Walaayo
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]
[ad name=”HTML-1″]