Nin Somali-Canadian ah ayaa lagu dilay dalka Canada, iyadoo meydkiisa laga helay guri uu ka deganaa magaalada Toronto.
Ninkan Soomaaliga ah ayaa Booliska ay sheegeen in lagu magacaabo Faysal Bashiir Xiis Khalaf, waxaana dilkiisa uu ahaa mid loo adeegsaday rasaas lagu furay.
Meydka ninkan ayaa dhex yaalay dismaha 2067 ee xaafadda Isliton, magaalada Toronto, wuxuun falkan ka dambeeyay dil kale oo loo gaystay wiil Soomaali ah oo lagu magacaabi Jiray Yuuusuf Xaaji oo isna lagu dilay Bariga Toronto.
Dilalka Soomaalida Canada ayaa si weyn u kordhay waxaan toddobaadkii hore ay ahayd markii la dilay laba gabdhood oo walaalo ah.
Dilka Feysal ayaa ah kii afraad ee Soomaalida Canada ay la kulmaan muddo toddobaad gudihiis ah taasoo welwel weyn ku heysa jaaliyadda Soomaalida ee dalka Canada.
Goobjooge.com