Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya inuu halkaasi ku geeriyooday qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah, kaasoo uu haleelay cudurka Coronavirus.
Nabadoon Cali Khayre (Cali Xaashi) oo ahaa in si weyn loo yiqiin ayaa xalay ku Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Cape Town ee K/Afrika, sida uu soo weriyey saxafi ku sugan dalkaasi.
Dhaqaatiirta Isbitaalka uu ku jiray marxuumka ayaa sheegay inuu Marxuumka u geeriyooday Cudurka Covid-19, waana qofkii ugu horeeyay ee cudurkan ugu geeriyooday dalka South Afrika oo ka mida dalalka ugu horeeya Afrika ee sida weyn ugu faafay.
Soomaali badan ayaa dalalka dibadda, siiba Yurub ugu dhintay cudurkan, iyadoo Soomaalida ay ka siman yihiin inkiraadda cudurka Coronavirus iyo qaadasho la’aanta tallooyinka caafimaad.