Thursday, June 26, 2025

Soomaaligii ugu horeeyay oo kooxda Daacish u fuliyay weerar is-miidaamin ah uga fuliyay gudaha dalka Ciraaq

Abuu-Khalid

Nin ka mida Soomaalida heysta dhalashada  Ingiriiska horena ugu biiray Kooxda khilaafada Daacish ayaa noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee weerar is miidaamin ah u fuliya Daacish, kasoo ka dhacay agagaarka magaalada Ramaadi ee dalka Ciraaq.

Ninkas ayaa magaciisa Daacish ahaan loo yaqaan uu yahay Abuu Khaalid al-Britaani, wuxuuna galaaftay 50-askari oo ka mida Ciidamada dalka Ciraaq, wuxuuna ka mid ahaa laba is-miidaamiyeyaal oo qaraxyo is barbar socday fuliyay. Qaraxa kale ayaa la sheegay inuu fuliyay nin kale oo ka soo jeeda dalka Tunisia, waxaana sidan baahiyay baraha taageera kooxda Daacish.

Sawirka ninkan Soomaaliga ah Abu Khalid ayaa la soo geliyay baraha bulshada, waxaa la sheegay inay iska dhaleen Soomaali iyo Yemen, balse aanu weligii iman. Abuu Khaalid ayaa ka tegay magaalada London, waxaa da’diisu aheyd 40 sano jir, waa dagaalyahankii labaad oo dalka British kasoo jeeda muddo yar gudahood weerar is-qarxin ka fuliya dalka Ciraaq.

Sirdoonka Ingiriiska ayaa ku qiyaasay in ka badan 500 dagaalyahan kana soo jeeda British ah inay ka barbar dagaalamaya Kooxda ISIS ama Daacish ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON