Monday, June 23, 2025

Soomaaligii ugu horeeyay oo noqday Wasiir ka tirsan Dowladda Dalka Kanada

Ahmed Hussen oo ah nin asalkiisu yahay Soomaali ayaa maanta loo magacaabay inuu noqdo wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalka Canada.

Isku shaan-dheyn uu maanta golahiisa wasiirada ku sameeyey Ra’isul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayuu Ahmed Hussen ku badalay wasiirki hore ee socdaalka John McCallum, kaasi oo loo magacaabay safiirka Canada u fadhin doona dalka Shiinaha.

Ahmed, ayaa noqday qofki ugu horeeyey oo Soomaali ah oo gala baarlamaanka Canada sanadki 2015-kii.Wuxuu markaasi kasoo galay baarlamanka xaafada York South-Weston ee magaalada Toronto.

Hadda wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo jago wasiir ka qabta mid ka mid ah Dowladaha waaweyn ee caalamka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON