Hay’adda FAO ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ayaa warbixin ay saartey ku sheegtey in sanadkii lasoo dhaafay ee 2014 Soomaaliya u ahaa sanad aad muhiim ugu ah marka la eego dhoofinta xoolaha. FAO ayaa caddeyay in sanadkii 2014 ay Soomaaliya dibadda u dhoofiyey 5 milyan oo neef oo xoolo kala duwan ah.
[ad name=”HTML-1″]
FAO waxay arrintan ku tilmaamey guul weyn oo u soo hoyatey Soomaaliya iyadoo ay tahay tiradii ugu badneyd ee xoolo ah oo dibadda ay u dhoofiso muddo 20 sano ka badan.
Inta ugu badan xoolaha la dhoofiyay ayaa ayaa loo dhoofiyey dalalka Khaliijka Carabta. iyadoo la dhoofiyay xiligii mMowsimka Xajka oo caadiyan loo dhoofiyo dalka Sacuudiga.
Xoolaha nool ee Soomaaliya ayaa ah udub dhexaadka dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana 40% ay ka mid yihiin, dakhliga qofkasta ee dalka ee loo yaqaan GDP. Xoolaha ugu badan ayaa ka dhoofa dekadaha Berbera, Muqdisho iyo Bosaso.
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]