Friday, July 11, 2025

Soomaaliya oo ka Jawaabtay Baaritaan eedeyn Musqmaasuq

Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay dembi baaris ay Dowladda Britain ku furtay sharikado hore heshiis ula galay Soomaaliya, ka dib eedeyn la xiriirta musuqmaasuq ka dhacay Soomaaliya.

soma-oil

Wasaardda Batroolka ayaa qirtay baaritaanka uu Xafiiska [ka hortagga] musqmaasuqa culus ee UK, SFO, uu billaabay ee ku wajahan sharikadda Soma Oil and Gas Exploration Limited (SOMA), waxayna Wasaaraddu sheegtay in ay si buuxda gacan uga geysan doonto, haddii sidaa la weydiisto.

War saxaafadeed ay maanta soo saartay, Wasaaraddu waxay ku tilmaantay in soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya uu muhiim u yahay xasilloonida dalka.

Waxay intaa raacisay in keydka shidaal ee Soomaaliya uu yahay kheyraad Qaranku leeyahay oo ay tahay in looga faa’iideeyo danta Qaranka si hufnaan ah oo aan mugdi ku jirin.

Heshiiska dhex maray Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Sharikadda Soma Oil and Gas 25 April 2014 waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Daud Omar Mohamed oo markaa ahaa Wasiirka Batroolka.

Xafiiska SFO ayaa Jimcihii 31-July 2015 wuxuu sheegay in uu dembi baaris la xiriirta eedeymo musuqmaasuq Soomaaliya uu ku sameynayo sharikadaha SOMA Oil & Gas Holdings Ltd, SOMA Oil & Gas Exploration Limited iyo SOMA Management Limited iyo qaar kale.

Akhri qormooyin mowduucan ku saabsan

  1. Nuqul heshiiska Soomaaliya iyo Soma Oil and Gas Exploration Limited halkan ka akhriso.

  2. Ingiriiska oo baaraya musuqmaasuq lagu eedeeyay Shirkado ay kamid tahay SOMA Oil & Gas

Xigasho: yusuf-garaad.blogspot.com

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON