Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale sheegtay inay ka go’an tahay inay soo daabacdo lacag cusub oo iskugu jirta shilimaad iyo waraaq ka hor inta uusan dhammaanin sannadkan.
Wasiirka Malaiyadda Soomaaliya Cabdiraxmana Ducaale Bayle ayaa sheegay in lacagaha lasoo daabacyo ay noqon doonaan kuwo aan la been abuuri karin. balse aysan ahayn wax fudud in lacag la daabacdo oo ay ku xiran yihiin shuruudo fara badan.
Wasiirka ayaa sheegay in la isla gartay noocyada ay ka koobnaaneyso, balse ay hartay kharashkii loo baahnaa si loogu daabaco oo ah lacag badan, taasina ay dowladda Federaalka ka shaqeyneyso, ayna arajeynayaan in sanadkan inuusan dhammaan sanadkan.
Daabicidda lacagta Shilin Soomaaliya ayaa u baahan kharash dhan 50 Milyan oo doolar iyo 50 Milyan kale oo loogu baahan yahay in difaaca lacagta la daabacay.
DHAGEYSI WAREYSIGA WASIIRKA EE VOA