Friday, June 27, 2025

“SOOMAALIYEEY TOOSOO” oo maanta lagu hakiyay shirkii Baarlamaanka!

Shirkii Baarlamaanka oo markale maanta loo balansanaa inuu furmo si loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa u hakaday qorshe cusub oo ay la soo baxeen taageerayaasha Ra’iisal wasaaraha oo bilaabay inay qaadaan heesta qaranka “SOOMAALIYEEY TOOSOO” oo ay la bilaabeen isla markii uu guddoonka soo fariistay shirka.

Gudddomiyaha ayaa isku dayay inuu ku qanciyo xildhibaannada inay fariistaan si shirka loo furo, waxaana muddo dheer kadib markuu u caal waayay furista shirka uu isaga baxay shirka isaga iyo ku xigeenadiisa iyagoo aan xirin shirka.

Lama oga guddoonka oo laftooda kala qeybsan waxa ay sameyn doonaan, waana xaaladii ugu adkeyd ee la soo gudboonaata. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulan degdeg ah la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu kategay shirka iyagoo aan la ogeyn tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON