Waxaa maanta oo ah Sabti dib loo furay suuqii weynaa ee Westgate Mall oo dayactir weyn lagu waday muddo ku dhow 2 sano, kadib weerarkii sanadkii 2013 ku qaadeen koox ka tirsan Al Shabaab oo dhowr maalmood heystay kuna dilay dad ku dhow 70 ruux.
Suuqa oo burbur weyni gaaray ayaa dib loo dhisay, iyadoo amaanka suuqani oo intiisa badan ay Yuhuudu leedahay loo qaabeeyay qorshe cusub. Qeybihii kala duwanaa ee suuqa Westgate ayaa lafuray inkastoo qaar kale ay weli xiran yihiin oo qalabeyn ku socoto.
Furitaanka Suuqa Westgate ayaa imaaneysa iyadoo 24-ka bishan oo dalka Kenya booqan doono madaxweynaha Mareykanka Barack Obama. Dadweyne kala duwan oo u dukaameysi tegay ayaa ka hadlay sida ay ugu faraxsan yihiin in dib loo furo suuqa caalamiga ah ee Westgate.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]