Tuesday, July 8, 2025

TAABIT: Bulshadda waa ineysan lacag la’aan ku galaan oo ganacsigaasi laga joojiyaa

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed booqasho ku tegay Beerta Nabadda ee ku taal degmada Waabari loona damaashaad tago ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal lagu joojinaayo lacagaha yar ee dadka shacabka laga qaado marka ay gelayaan beerta.

Wuxuu sheegay in Beerta Nabadda ay tahay meel loogu tala galay in bulshadda Soomaaliyeed ay damaashaad iyo nasasho yimaadaan, isagoo intaa raaciyay in ganacsatada Beerta Nabadda laga doonaayo in ay hakiyaan lacagaha lagu galo beerta.

“Beerta nabadda waa goob nabadeed, ma ahan in shacabka Soomaliyeed loogu qaado wax dhan 1-dollar ama 2-dollaar si ay gudaha u galaan, waa in shacabka loo ogolaadaa si sharuud la’aan ah in ay gudaha ku galaan, Sidoo kale Ganacsata leh xarunta beerta Nabadda ee Magaalada Muqdisho,iyagana haka laabtaan go’aankaas”, ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in bulshada u fahmin beerta nabadda beerta ganacsiga. laakiin ay ogol yihiin in goobaha ganacsi ee ku dhexyaal kaliya ee bulshada wax ka dhex iibsata.

Dadka waaweyn iyo caruurta u dalxiis iyo damaashaad taga beerta nabadda ayaa lacago aan isku mid aheyn laga qaadaa, waxaana qofkii weyn irida beerta uu ku gala hal dollar halka caruurta yaryar laga qaado labo dollar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON