Tuesday, June 24, 2025

Taageerayaasha Madaxweynaha oo bilaabay olole looga horjeedo Mooshinka laga keenay

Taageerayaasha Madaxweynaha ayaa bilaabay olole ay ku doonayaan inay uga hortagaan Mooshinka xil ka qaadista ee laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo abaabulaya qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Muqdisho.

Ololaha waxaa ku lug leh maamulka gobolka Banaadir iyo degmooyinkiisa. Waxaa qabsoomay shirar dhowr ah oo ay ka qeyb galeen dhalinyaro, culimo iyo waxgarada kale, waxayna wararku sheegayaan in maalmaha soo socda la xoojin doono ololahaasi oo bannaanbaxyo lagu soo biirin doono.

Mooshinkii

Kulankii ugu danbeeyay wuxuu shalay  dhacay  ayaa waxaa soo qabanqaabiyay ururka dhalinyarada qaranka, iyadoo ay ka dhex muuqatay guddoomiyaha degmada Waaberi Xaawo Maxamud Cali.

Marka uu sii kordho cadaadiska mooshinka madaxweynaha ayaa la filayaa inay taageerayaashiisa sii kordhiyaan abaabulkooda, waxayna Muqdisho marti gelin doontaa mid ka mida xiisadihii siyaasadeed ee ugu weynaa tan iyo intii lagu qasbay inuu xilka iska casilo ra’iisal wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON