Wednesday, June 25, 2025

Taageerayaasha Madaxweynaha oo saddex qorshe u diyaariyay fashilinta Mooshinka cusub

Iyadoo magaalada Muqdisho ay gashay xaalad siyaasadeed oo qasan kadib mooshinkii xil ka qaadista madaxweyne ee qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka ay ka geeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa mooshinka barbar socda dhaqdhaqaaqyo ay bilaabeen taageerayaasha madaxweynaha.

faarax_xasan

Xildhibaanno iyo wasiiro taageersan madaxweynaha ayaa qorsheynaya inay ka jawaab celiyaan mooshinkaasi, iyagoo doonaya inay fashiliyaan, qorshooyinka ay wadaan taageerayaasha madaxweynaha waxaa ka mida:

  1. Mooshin cusub oo ay geeyaan Baarlamaanka
  2. Saameyn ay ku yeeshaan guddoonka Baarlamaanka
  3. Dacwad ay ku soo oogaan xubno muhiim u ah mooshinka madaxweynaha

Waxaa xafiisyada guddoonka Baarlamaanka lagu arkay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo muddooyinkan dambe siyaasadda aan lagu arag isagoo isaga dab qaadaya madaxda guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana la sheegay in xildhibaan Faarax  loo xil saaray jawaab ka bixinta mooshinka.

Mooshinka cusub oo lid ku ah mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha ayaa durba qoraalkiisa ka  socdaa Muqdisho, waxaana mooshinkan salka ku hayaa sidii looga horgeyn lahaa mooshinka kale ee guddoonka Baarlamaanku aqbalay.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON