Xildhibaanada iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal weyn ugu jira ansixinta xukuumadda cusub ee uu magacaabay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Wasiirkii arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa, Wasiiru dowlihii madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad, xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir, xildhibaan Saadaq C/kariin, Xildhibaan Cali Balcad iyo xildhibaano kale oo ka mida saaxiibadii ugu dhowaa Xasan Sheekh ayaa maalmihii ugu danbeeyay la arkayay iyagoo wada olole ay ku doonayaan in lagu ansixiyo xukuumadda cusub.
Dad badan ayaa la yaaban waxa is bedelay xilli siyaasiyiinta iyo isbedel doonka ahaa iyo xildhibaanadii soo doortay Madaxweyne Farmaajo ay ka hor yimaadeen ansixinta xukuumadda cusub oo ay saxiixeen talo-soo jeedin uu taageeray guddoomiyaha Baarlamaanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu ballanta uga baxay saaxiibadii doorashada kala qeyb galay, isla markaana albaabada ka xirtay xildhibaanada, taasoo keentay guux weyn iyo is-heysad ka dhex jira Baarlamaanka.
Goobjooge.com