Thursday, July 10, 2025

Taariikhda Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay 20, November 2022 wareegto kasoo baxday xafiiskiisa ugu magacaabay xilka gudoomiye ku xigeenka howlaha guud ee Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale (Xasan Dheere).

Magacaabistan ayaa buuxisay xilka  ugu muhiimsan ee Gudoonka Gobolka Banaadir  ee  Arrimaha dib u dhiska iyo horumarinta Caasimadda Muqdisho oo ah gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee caasimadda dalka.

Mas’uulka xilkan loo magacanaay Mudane Xasan Maxamed Jimcale ayaa ah siyaasi waaga-arag iyo Aaqoonyahan ah oo maamulka iyo siyaasadda ku jiray laga soo bilaabo dowladii lagu soo dhisay shirkii Carte, sanadkii 2000.

Wuxuu qeyb ka ahaa aasaaskii Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee 135 oo ah kuwa rasmiga ah oo asaas u ah dowladnimada Soomaaliya.  Dhinaca kale waxaa lagu xasuustaa shaqadii uu kasoo qabtay Dib u qaabeyntii ugu horeysay ee Garsoorka dalka sanadkii 2013.

Xasan Jimcaale wuxuu  la soo shaqeeyay Madaxweyneyaasha kala ah: Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo dhowr Xukuumadood ka ahaa Wasiir, gaar ahaan wuxuu  kaalin ku lahaa dhameystirka Dastuurka KMG ah, iyo Doorashadii ugu horeysay ee dalka Gudihiisa lagu qabtay Sanadkii 2012, xilligaas oo uu ahaa gudoomiyihii Guddiga Road Map-ka iyo Logistikada.

Wuxuu xilalka kala ah: Wasiir ku xigeen iyo wasiiru Dowle kasoo qabtay wasaarado kala duwan oo ay ka mid yihiin: Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka, Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federalka iyo Dib u heshiisiinta  iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska. Wuxuu sidoo kale soo noqday la-taliyaha Sare ee Arrimaha siyaasadda Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka

Mr. Jimcaale wuxuu kaloo lasoo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo isugu jiro Local iyo International, isgoo ka mid ahaa Bahda Waxbarashada, gaar ahaan Bulshada rayidka oo kaalin weyn ku laheyd dhismaha Dowladnimada iyo Nabada Soomaaliya, gaar ahaan shirweynihii Carta ee dib loogu dhisay dowladnimada Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee Gobolka Banaadir u qaabilsan Howlaha Guud Xasan Maxamed Jimcaale Guddoomiye wuxuu khibrad iyo muuqaal cusub kusoo kordhin doonaa maamulka Gobolka Banaadir oo xilligan u baahan isbedel muuqda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON