Jaamac Aadan, oo Soomaali ah ayay boolisku qabteen markii ay ku weerareen qolkiisa hoteelka ee ku yaaley Sabadell ee dhacda waqooyiga Barcelona.
Tababaraha Soomaaliyeed iyo mid aan la magac dhabin oo isna ahaa macallin Jimicsi oo u dhashay Morocca oo la shaqeynayay isaga ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay maamulayeen misane qeybinayeen waxyaabo laga mamnuucay Orodyahannada.
Aaden oo tababare u ahaa gabadha reer Ethiopia Genzebe Dibaba ee heysata rikoodhka 1,500-mitir ee gabdhaha ayaan weli ka hadlin sheekadan lagu xiray.
Dibaba oo 25-jir, ayaa heysata rikoodhka adduunka ee oradada haweenka waxayna ugu cad-cadeed inay bilada dahabka kala soo hoyato Olympicada adunka ee daba yaaqada bishan ka dhacay Rio de Janeiro ee dalka Brazil.
Oradyahannada kale uu Jaamac Aadan soo tababaray ayaa waxaa ka mid ah, ninka labada jeer ku guuleystay 800- Mitir Abubaker Kaki Khamis iyo Ahmed Ismael oo ku guuleystay bilada qalinka tartankii Olympica-da 2008 Beijing ee 800- mitir labaduba waxay ka soo jeedaan Suudaan iyo waliba ninka ku guuleystay tartanka 1,500-mitir ee Olympicadii ka dhacay London 2012 Taoufik Makhloufi ee u dhashay dalka Algeria.
Wakaaladda Spain ee iyado la dagaasha waxyaabaha daraagiska ayaa sheegtay in wararka sheegaya in daroogada laga helay qolka macallinka Jimicsiga ee la shaqeynayay midka Soomaaliyeed ay tahay war sax ah.
Sidoo kale waxaa waxyaabaha la mamnuucay laga baaray 20 orod yahan oo ku sugnaa hoteelkii la soo weeraray inkastoo aan la magac dhabin orodyahannadaas mana jiro ilaa iminka mid ka hadlay.
Orodyahnnada ku jiray hoteelkii lagu weeraray Tababaraha Soomaaliyeed ayaa badankood ka yimid Africa iyo Aasiya sida dalalka Somalia, Ethiopia, Djibouti, Algeria, Saudi Arabia, Egypt and Qatar.
VOA