Tuesday, July 1, 2025

Tacsi: Hooyo Salaado Abdulle Xalane oo ku geeriyootay Magaalada Muqdisho

Shaqaalaha Salaam Bank waxa ay tacsi u dirayaa Gudoomiyaha Salaam Bank Mudane Cumar Ali Jumcaale, oo hooyadiis Salaado Cabdulle Xalane ku geeriyootey Magaalada Muqdisho habeen hore, shalayna 29 Janaayo 2020 lagu aasay qabuuraha Barakaat ee magaalada Muqdisho.

Waxaan leeyahay hooyo Sllaha u naxariisto,  janatul firdowsa allaha geeyo, danbigeedina allaha dhaafo. Hooyo Salaado waxay la dhalatay geesigii weynaa ee Soomaaliyeed ee Maxamed Abdulle Xalane, oo loogu magac daray Xerada Xalane, oo horey loo oran jirey Botico, oo ahaa nin Talyaani ah.

Allaha u naxariistee Hooyo Salaado Abdulle Xalane waxay ifka uga tagtay dad  isugu jirta, waxay dhashay, wixii ay sii dhaleen iyo caruurtooda.

Maxamed Abdulle Xalane , wuxuu ka mid ahaa ciidamada Xogga dalka ee Soomaaliyeed, wuxuuna ku dhintay dagaalkii ugu horeeyey ee Somalia iyo Ethiopia, 1964, waxaana lagu dilay Togwajaale. Maxamed Abdulle Xalane, waxaa uu ka mid ahaa unug yar oo ku jirey furinta hore ee dagaalka, waxaana dhacday in unugii intooda badneyd la dilay, amxaaradiina kusoo dhawaatay halkii uu ka taagnaa calanka Soomaaliya, ka dibna inta uu istaagay ayuu calankii soo furtey, cadawgii oo arkayey ayaa xabado badan kusoo furey , ka dibna wuu lasoo gurguurtay calankii isagoo dhaawac ah , ilaa uu dhufeyskii ugu keenay ciidamadii kale, ee raaca labaad ahaa,  halkaas ayuuna ku naf baxay isagoo ku dhawaaqaya,  cadawga bir ma ahan ee aan iska celino.

Dowladii Kacaanka ee  uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre markii aay dhalatay ka dib ayaa xerada  Xalane oo waagii hore la oran jirey Botico, loogu magac daray geesigaa Soomaaliyeed ee Maxamed Abdulle Xalane, allaha u naxariisto, Marka hooyo Salaado waxay aheyd geesigii Xalane walaashiis.

Sidoo kale waxaan tacsida  u dirayaa Bashiir Ali Jimale, Abdiasiz Ali Jimale, iyo dhammaan reer Ali Jimale, iyo reer Abdulle Xalane, geerida hooyo Salaado Abdulle Xalane , samir iyo iimaan allaha naga siiyo dhammaanteen iyadiina allaha u naxariisto…..Aamiin Aamiin .. Aamiin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON