Wednesday, July 2, 2025

Tahriibayaal Soomaali iyo Ereteriyaan ah oo ku dhintay Shil ka dhacay Magaalo ku taalla dalka Liibiya

Tahriibayaal u badan Soomaali ayaa ku dhintay shil weyn oo ka dhacay dalka Liibiya, iyadoo dad badan ay ku dhinteen shilkaasi.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa baahisay in gaari weyn oo siday dad fara badan oo  tahriibayaal ah uu shil ku galay magaalada Bani Walid ee dalka Libya, markii gaari ay la socdeen uu la qalibmay. Dadka dhintay ayaa garay 25 qof, iyadoo dhaawacu ku dhow yahay 80 kale.

Wararka ayaa sheegaya in dadka shilka ku dhintey ay yihiin Soomaali iyo Eritrean, waxaana meydadka iyo dhaawaca la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Bani Walid, iyadoo aan faafhaahin laga bixin tirada Soomaalida ee shilkaasi wax ku noqday.

Magaalada Bani Walid waxaa  ku badan tahriibayaasha iyo ma-gafeyaasha dalka Liibiya, waxayna lacag badan ka qaataan tahriibayaasha. Soomaalida ayaa ka mida dadka ugu badan ee tahriibka u dalka Liibiya oo ku jira xaalad dagaallo sokeeye ah fowdo ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON