Wednesday, June 25, 2025

Taliska AMISOM oo ku dhawaaqay howlgal Milateri oo lagu furayo Wado muhiim ah

Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya ayaa sheegay inay bilaabayaan howlgal lagu furayo wado muhiim u ah isu socodka bulshada.

Taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay howlgal ka bilaabayaan Jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Baydhaba si looga sifeeyo goobaha kooxaha ay Alshabaab ku sugan yihiin.

Jeneraalka ayaa intaas ku daray in howgalka uu dhowaan bilaaban doono, isla markaana AMISOM iyo ciidamada dowladda ay u diyaar garoobeen.

Taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle
Taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle

Jeneraal Subagle ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Baydhaba isagoo uga qaybgalay isbeddelka ciidamada AMSIOM ee dalka Itoobiya.

Jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhaba ayaa si joogto Alshabaab uga howlgalaan iyadoo weerarro iyo afduubyo ka fuliya.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON