Tuesday, June 24, 2025

Taliska Booliska oo ka hadlay Ciidamadii xalay ku dagaalamay Muqdisho & tallaabo laga qaadayo

Taliska ciidamada Booliska ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaal xalay magaalada ku dhex maray laba ciidan oo ka kala tirsan Booliska iyo Milateriga.

Afhayeenka cusub ee ciidamada Booliska Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in falka uu ku yimid si khalad ah markii ay isku dhaceen ciidamo xeradii lagu ogaa ka baxay iyo ciidamo ku sugnaa bar Koontarool, wuxuuna cudurdaar ka bixiyey shaqaaqada saqdii dhexe xalay ka dhacday caasimadda.

Afhayeenka ayaa sheegay inay ciidamadkii ku lug lahaa falkaasi la hor keeni doono sharciga, lana marsiin doono cadaaladda, lana aqbali doonin isku dhacyo dhex mara ciidamada dowladda.

Isku dhacyada ciidamada dhexdooda aya joogto ka noqday magaalada Muqdisho, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee Boolisku ka hadlo arrintan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON