Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa qalab ciidan iyo agab ku wareejinayey Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, xaflad ka dhacday safaaradda Talyaaniga ay ku leedahay magaalada Muqdisho.
Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Fabrisio Marrcelli oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in mar walba ay garab taaganyihiin Soomaaliya isla mar ahaantaana uu ka dhaxeeyo xiriir adag oo soo jireen ah gacana ay ka geesanayaan tayeenta ciidanka booliska
Taliyaha ciidanka Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isna ka halay goobta ayaa dowlada Talyaaniga uga mahad celiyay qalabka ciidan ay dowlada Talyaaniga ku wareejisay taliska ciidanka booliska Soomaliya.
Qalabka Talyaanigu ugu deeqay Booliska ayaa isugu jira, Kabo waaweyn, Gacmo gashi, Budad iyo Jaakado.
DAAWO SAWIRRO