Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa hakiyey bixinta Warqadda Denbi la’aanta ee laga qaadan jiray xarunta CID-da magaalada Muqdisho.
Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiya Xuseen ayaa shaacisay in muddo 3 maalmood ah la hakiyey bixinta warqadaasi, kadib cabasho ka timid bulshada Soomaaliyeed sida ay sheegtay, iyadoo mudaddaas dib u habeyn lagu sameyn doono nidaamka helista warqadaasi oo dowaldda ay ku xirtay adeegyo badan sida helista warqada dhalashada, Baasaboorka, Leysinka iwm.
“Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID… Muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno..” ayay tiri taliye ku xigeenka Booliska oo qoraal soo saartay goor dhoweyd.
Tallaabadan ayaa ka daneysay musuqmaasuq baahsan oo hareeyay bixinta Warqadda denbi la’aanta Booliska, iyadoo la baahiyey fadeexad ku saabsan sida ciidamada booliska ee arrintan gacanta kula jira ay lacago dheeraad ah uga qaataan dadka doonaya warqadani.