Taliska Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa sheegay in ay weerar cirka ah ay ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab maalintii Arbacada taariikhdana ay aheed 11-kii bishaan April.
AFRICOM ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen in ciidamada Mareykanka ay sameeyeen duqayn cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayay qalabka qarxa ee ku shaqeeya gawaarida.
Taliska ayaa sidoo sheegay in duqeynta ay ka fuliyeen deegaanka Jannaay Cabdalle oo ka tirsan gobolka jubbada hoose, ee u dhow magaalada Kismaayo.
Khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, ayaa la sheegay in lagu burburiyey Gaari ay la socdeen xubno Alshabab ka tirsan oo aan tiradooda la shaacin.