Wednesday, June 25, 2025

Taliska Milateriga oo shaaciyey in ku dhowaad 80 Alshabab lagu dilay weerarkii Bariirre iyo maxaabiis laga..

Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa shaaciyey in weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen maanta degaanka Bariirre iyo degmada Aw-dheegle looga dilay maleeshiyaad fara badan, looga qabtay Maxaabiis.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi oo sheegay dagaalkii saaka ka dhacay Bariire iyo Awdheegle in lagu dilay 76 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab, sida uu yiri iyadoo sidoo kale 7 maxaabiis oo qaarkood dhaawac yihiin ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda.

Taliyaha oo sheegay inuu joogo Bariire ayaa la hadlay warbaahinta dowladda, wuxuuna intaas ku daray in Alshabaab jab xoog leh loo geystay, meydadka la dul istaagayna ay gaarayaan 76, isla markaana Ciidamada xoogga dalka ayaa guulo ka soo hoyeen dagaalka saaka, iyadoo ay socdaan hawlgalo haraadiga argagixisada lagu baacsanayo.

Dhinaca kale Ashabaab ayaa hore u sheegatay inay ciidamada dowladda ka dileen 47 askari, ayna qabsadeen 6 gaadiidka oo afar ka mida ay yihiin kuwa dagaalka.

Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyey ayaa waxaa ka muuqda meydad tobaan ah oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabaabkii weerarka ku qaaday saldhiga ciidamada dowladda Bariirre.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON