Taliyaha cusub ee ciidamada Xoogga iyo abaanduulaha dhowaan la magacaabay ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay maanta munaasabad uu ka galay Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho.
Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi “Indho-qarshe” ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen gacan ku heynta deeganno badan oo ay horey bulshada ugu dhibaateyn jireen kooxda Alshabaan, wuxuuna intaas ku datay ciidanka ay gaareen guulo la taaban karo. Abaanduulaha xilka wareejiyay C/saaq Khaliif Cilmi oo munaasabadda ka hadlay ayaa faahfaahiyay waxyaabihii u qabsoomay intii ay hayeen xilka wuxuuna xusay inay wax badan ka qabteen dib u habeynta ciidanka oo ay guddi u saareen tirakoobka ciidanka iyo sixidda darajada saraakiisha ciidanka xoogga dalka.
Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaanduulaha ciidanka Sareeyo Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa balan qaaday in howsha loo idmaday ay halkeeda ka sii wadi doonaan, iyagoo codsaday in lala shaqeeyo oo gacan lagu siiyo waajibaadka loo idmaday.
Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa kula dar daarmay hogaanka cusub ee ciidanka xooga dalka inay si hagaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday xilligan xasaasiga ah ee ciidanka laga sugayo door weyn inay ka qaataan sugidda ammaanka dalka.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]