Wafdi ka socda Talisyada Ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa gaaray magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.
Wafdigan waxaa hogaaminayay Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cali Baashi Maxamed Cumar iyo Taliyaha AMISOM Jeneraal Cusmaan Nuur Subagle, waxaana ujeedka socdaalkooda lagu sheegay dardar gelinta howlaha diyaar garowga doorashooyinka.
Waxay booqanayaan xarunta guutada 11-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Mudug iyo Galgaduud qaabilsan, iyadoo dadaal loogu jiro howlgallo ka dhan ah Alshabaab oo laga bilaabo labadaasi gobol.
Magaalada Cadaado waxaa ku qulqulaya ergooyinka dooranaya xildhibaanada labada gole, waxaana tababar loogu xiray dhowaan guddiyada odayaasha oo la baray qaabka loo marayo xulitaanka xildhibaanada.
Goobjooge.com