Monday, July 14, 2025

Taliyaha Booliska G/Banadir oo War lama filaan ah soo saaray, kuna dhawaaqay inuu joojiyey kulankii Baarlamanka

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa shir jaraa’id oo lama filaan goor dhoweyd qabtay, isagoo shaaciyey inay joojiyeen kulankii Baarlamaanka ee maanta looga hadli lahaa muddo kororsi iyo Doorasho.

Taliyaha oo aan looga barran inuu saxaafada la hadlo ayaa caddeeyay inay hakiyeen kulankii maanta ay lahaayene, loona baahan yahay inaysan dhicin boob, lana gaaro heshiis, isagoo ugu baaqay xildhibaannada inay dib ugu laabtaan degaanadooda oo ay Doorasho aadaan.

“Ma dooneyno 15 bilood oo la kororsado oo dib noo celisa 15 sano, Ra’iisal wasaaraha waxaan u sheegeynaa inuu ku laanto Teendhada.. Amniga ciidamada ayaa sugaya, dalku wuxuu ku socday ilaa iyo Carte Doorasho…. Doorasho ayaa loo baahan yahay… Ninkii la doortow doorasho kale raadso… Mas’uuliyadda qaado Ra’iisal wasaare..” ayuu yiri Taliye Saadaq Joon.

“Ma doonayno in dalku ku laabto qalaalaase, kulankii maanta waanu baajinay waxaana dhici lahaa boob. Barlamaanka waxaan leeyahay lagama shaqayn karo qalaalase. Ra’iisalwasaare Rooble waxaan usheegayaa wadanka Masuuliyadiisa in uu qaato waxaan leeyahay meel ha fadhiisan oo yaan wax laguu yeerin…” ayuu yiri Taliye Saadaq John.

Taliyaha ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa uga digay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe in uusan mar dambe ku hadlin war loo soo dhiibay, sida uu yiri ee uu dadkiisa dhinac ka raaco.

Daqiiqado kadib warka kasoo baxay taliye Saadaq Joon ayaa taliyaha ciidamada Booliska ku dhawaaqay in xilkii laga qaaday. (Halkan ka Akhriso)

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON