Taliska Booliska Soomaaliya ayaa warkii ugu horeeyay goor dhoweyd kasoo saaray weerarkii Alshabaab ku qaaday Hotelka Hayaat oo qaatay laba maalmood.
Weerarka oo noqday kii ugu dheeraa ee Alshabaab ka fuliso magaalada Muqdisho ayaa dhaliyey qasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti leh, waxayna ciidamada dowladda ku fashilmeen inay si degdega uga falceliyaan, ka hortagaan ama soo af-jaraan weerarka oo loo adeegsaday qaraxyo iyo Dabley hubeysan.
Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in lasoo afjaray howlgalkii Hotelka Hayat xalay 3:00 saqda dhexe kadib, ayna kasoo badbaadiyeen dad ka badan 106 oo ay ku jiraan haween iyo caruur.
Wuxuu ka gaabsaday inuu shaaciyo tirada dadka wax ku noqday Hotelka oo uu sheegay inay dad shacab ah wax ku noqdeen, isagoo sheegay in qasaaraha nafeed ee ka dhacay Hotelka ay u xil saaran tahay Wasaaradda Caafimaadka oo ay dadka la wadaagi doonto.
Taliyaha Booliska Jeneraal Xijaar ayaa sheegay in saacadihii hore ee weerarka ay ciidamada ku howlanaayeen sidii ay Hotelka uga soo saari lahaayeen dadkii ku go’doonsanaa, haddana ay Hotelka ka socoto nadiifin.
Wuxuu tacsi u diray dadkii shacabka iyo askarta ahaa ee weerarka Hotel Hayat ka dhacay, inkastoo aanu faahfaahin qasaaraha ka dhashay iyo burburka gaaray Hotelka.
