Monday, July 14, 2025

Taliyaha Ciidamada Dhulka oo tegay Xerada Ciidamada Gorgor, kuna amray inay u Diyaar garoobaan…

Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tegay xerada ciidamada gaarka ah ee Milateriga Soomaaliya, loona yaqaan ‘Gogor’, isagoo ku wargeliyay inay diyaar garoobaan.

Taliyaha Ciidamada Dhulka Jen. Maxamed Tahliil Biixi oo hadda ah ninka ugu awoodda badan ciidamada xoogga dalka, si toos ahna uga amar qaata Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinkii danbe ee maanta tegay xerada Damaanyo oo ah saldhigga iyo taliska guutada Gor-gor.

Arrimaha ciidamada kula dardaarmay waxaa ka mid ahaa inay inay u diyaar garoobaan howlaha Qaran ee horyaala, ayna heegan u noqdaan mar waliba shaqooyinka loo diro.

Jen. Biixi ayaa hore loo sheegay inuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Gorgor ku hoggaamisay weerarkii 19-ka Febraayo ee lagu qaaday madaxweynayaashii hore iyo Musharixiinta qabanqaabineysay banaanbaxyo lagu diidan yahay Farmaajo.

May be an image of one or more people, people standing, military uniform and outdoors
May be an image of one or more people, people standing and outdoors
May be an image of one or more people, people standing, military uniform and outdoors
May be an image of one or more people, military uniform and outdoors
May be an image of one or more people and military uniform

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON