Taliyaha guud ee dalka Ciidamada Kenya Lt General Leonard Ngondi oo maanta socdaal ku tegay y magaalada Kismaayo isagoo la kulmay saraakiisha Kenya, kuwa AMISOM iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulanka Axmed Madoobe oo dhowaan ka yimid Nairobi iyo taliyaha ciidamada Kenya ayaan wax faahfaahin ah laga bixin, iyadoo saxaafadda loo diiday in wax war ah la siiyo.
Kulanka labada mas’uul kadib wuxuu Taliyaha guud ee Ciidamada Kenya General Leonard Ngondi kormeeray xerada ay ciidamada Kenya ku leeyihiin xarunta Jaamacada Kismaayo iyo Goobtii uu ka dhacay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay lala beegsaday ciidamada dowladda Federaalka ee tababarka u socday.
Kulan weyn ayuu dhinaca kale Taliyuhu Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kula qaatay Saraakiisha Ciidamada Kenya ee AMISOM ee saldhiga ku leh garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxayna ahayd markii ugu horeysay ee taliyaha guud ee Kenya uu booqdo Kismaayo oo ay ka joogaan ciidamo Kenyaati ah oo ka mida AMISOM.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]