Wednesday, June 25, 2025

Taliyaha ciidamada Puntland oo ku hanjabay inuu xilka isaga casilayo arrinta Mushaarka ciidamada (Dhageyso)

Taliyaha ciidamadda maamulka  Puntland Gen. Saciid Maxamed Xersi ayaa shaaciyay  inuu xilka  iska casilayo haddii aan la bixin xaquuqda ciidanka Puntland ka maqan, wuxuuna ku hanjabay inuusan sii heyn doonin mas’uuliyadda.

Gen-Siciid-Dheere
Taliyaha ciidamadda maamulka Puntland Gen. Saciid Maxamed Xersi

Gen. Siciid Dheere wuxuu sheegay in xaaladu ay soo dhaaftay wax laga aamusi karo mudo badan-na ciidanka qaar ka mida waayeen xaquuqdii ka maqneyd, wuxuuna tilmaamay in ciidamada Nugaal, Buuhoodle iyo Gaalkacyo ay muddo badan mushaharkooda la’ yihiin, haddii xaaladu sidaasi ku socotana ay haboon tahay inuu xilka ka dego.

DHAGEYSO  TALIYAHA CIIDAMADA PUNTLAND
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa dhowaan inkiray inay jiraan ciidamo mushaar la’aan ah muddo dheer, wuxuuna ku doodayaa in xukuumadiisu ay bixiso mushaarka ciidamada.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON