Wednesday, July 9, 2025

Taliyaha Ciidamada Uganda oo War Naxdin leh ka sheegay Xaaladda AMISOM & Ciidamada Soomaaliya [Akhriso]

Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda Gen. David Muhoozi ayaa sheegay in Ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya ay ku xayiran yihiin, wax tallaabo ama weerar ahna aysan ku qaadi karinb kooxda Alshabaab.

Taliyaha oo wareysi uu siiyay Wargeyska Daily Monitor ee Uganda ka soo baxa ayaa sheegay in Ciidamada Uganda ka mida AMISOM weerar qaadaan iska daaye aysan  saldhigyadooda ka difaacan la’ yihiin caddowga.

Waxaa uu arrintaas sabab uga dhigay sahayda iyo saadka Ciidanka Uganda ee AMISOM oo aan ku filneyn iyo mararka qaar in aysan heysan Ciidan Soomaalida oo xaaladoodu liidato, isla markaana aan awoodin inay ku simaan dhulka ay qabtaan.

Taliye David Muhoozi, wuxuu sheegay in dalalka taageera Howlgalka AMISOM ay ka gaabiyeen in ay bixiyaan Kharashaadka Ciidamada ku baxaya, Ciidanka Uganda ee Soomaaliya joogana ay rajo beel ku dhow yihiin xaaladooda.

Taliyaha ayaa sheegay in kulan dib u eegis howlgalka AMISOM ah oo ay dhawaan yeesheen waddamada Ciidamada ku yaboohay Soomaaliya ay ujeedadiisu ahayd in arrintan wax laga qabto laakiin aysan u muuqan wax tallaabo ah oo hore loo qaaday.

Taliyaha Ciidanka AMISOM waxaa uu wareysigiisa ku sheegay in Ciidanka Soomaaliya aysan xitaa heysan karin magaalooyinka ay qabtaan Ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in arrintaas ay qeyb ka tahay niyad xumada ka heysata ciidamada howlgalka AMISOM ee Soomaaliya jooga.

“Waxaa kala badan waxa aan rabno in aan sameynayo iyo waxa aan heysano, tusaale marka Ciidanka AMISOM ay magaalo qabsadaan, uma gudbi karaan magaalo kale sababta oo ah magaalada ay qabsadeen amaankeeda ma sugna, mana jirto cid lagu halleyn karo” ayuu yiri isagoo ka hadlayay xaaladda quusta ah ee ka joogaan Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON