Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo maalmo ka hor xilka la wareegay ayaa ayaa gaaray Magaalada Doa ee Wadanka Qatar.
Taliye Bashiir ayaa waxaa magaalada Doha ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Qatar iyo mas’uuliyiinta safaaradda Soomaalida ee dalka Qatar, isagoo sheegay inuu halkaasi uga qeyb galayo shir uu sheegay in lagu casuumay.
“Aniga iyo Wafdi aan hoggaaminayo Waxaan soo gaarnay Magaaladda Doha ee Dalka Qatar oo aan kaga qeyb gali doonno Shirweyne nalagu Casuumay, Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaan oo kaalin weyn ka qaatay soo dhoweynta naloo sameeyey…” ayuu yiri Taliyaha ciidamada asluubta.