Friday, June 27, 2025

Taliyaha cusub ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika oo Muqdisho yimid, lana kulmay..

Taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) Gen. Michael Langley ayaa yimid magaalada Muqdisho, isagoo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay taliyaha AFRICOM iyo saraakiil la socotay oo uu wehliyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay taliyaha cusub ee Africom Gen. Michael Langley, wuxuuna bogaadiyay doorka AFRICOM ee ku aadan horumarinta Nabadda iyo Amniga gobolka.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xoojintao awoodda ciidamada xoogga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ay iska kaashadaan ciidamada Mareykanka iyo Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, taliyaha ciidamada lugta, agaasimaha guud ee wasaaradda gaashandhigga iyo la taliyayaal ka socda xafiisyada Madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha XFS.

Gen. Michael Langley oo dhowaan la wareegay taliska AFRICOM ayaa socdaalkiisa Soomaaliya uu yahay kii ugu horeeyay, isagoo maraya dalalka Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON