Monday, July 14, 2025

Taliyaha cusub ee ciidamada Milateriga oo kormeerkiisii ugu horeeyay ku sameeyay hogaanka ciidamada

Taliyaha ciidanka cusub ee ciidamda Xoogga Ddalka Jeneraal Maxamed Aaden Axmed ayaa maanta kormeerkiisii shaqo ee ugu horeeyay uguna kuurgalayo xaaladda Ciidanka Xoogga dalka ku sameeyey hogaanada kala duwan ee Ciidamadda iyo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wuxuu  warbixin ka dhageystay saraakiishii iyo taliyeyaasha qeybaha ciidamada dalka, isagoo kulan la qaatay Saraakiil ka socota Turkiga oo gacan siiya taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Taliyaha Ciidamada Xoogga wuxuu indha-indheeyay  xaaladda dhabta ah ee ciidamaddu ku shaqeeyaan.

“Waxaan idinku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen badbaadinta difaaca dalka, waxaad tihiin geesiyaal Qaran, ummadda Soomaaliyeedna waa inay taas ogaataa gacanna nagu siiyaan sidii aan dalkeena caddowga kusoo duulay uga sifeyn lahayn, waxaan jirta baahi weyn oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, waana midda aan hadda dadaalka ugu jirno sidii aan wax un uga qaban lahayn” ayuu yiri Taliyaha oo la hadlayay Saraakiisha ciidamada ee hogaamada kala duwan.

talie-ciidan-1

talie-ciidan-2

talie-ciidan-3

talie-ciidan-4

talie-ciidan-5

talie-ciidan-7

talie-ciidan-8

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON