Taliyaha cusub ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Aadan Axmed iyo Abaanduulaha Col. Cali Baashi Maxamed Cumar ayaa maanta lagu hor dhaariyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xaflad ka dhacay Villa Somalia iyadoo ay maanta ahayd maalintii koowaad ee Ciida Carafo.
Taliyaha iyo Abaanduulaha cusub ayaa dhowaan golaha wasiirada ay magacaabeen iyado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay isla ogaayeen Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, waxaana markaas kadib uu magacaabid ku soo saaray madaxweynaha, iyadoo ay hareysay arrin ku saabsan jagada abaanduulka iyo xil ka qaadistiisa.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa dhaariyay labada sarkaal oo markii xilalka loo magacaabay kadib la dalacsiiyay looguna darajay darajooyin kale. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay saraakiisha cusub ee hogaamin doonta ciidamada Milateriga inay xilka culus ka soo dhalaalaan.
Dhinaca kale dhaarinta ayaa ku soo beegantay maalin fasax ah oo shaqada dowladda ay xiran tahay, waxaana aritnan loo aaneynayaa safar uu madaxweynaha isu qabanqaabinayo inuu saacadaha soo socda ugu socdaalayo dalka Mareykanka oo uu uga qeybgeli doono fadhiga golaha guud ee Qaramada Midoobay magaaalada New York.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]