Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa soo saaray amar ku saabsan in Baaris lagu sameyn doono Gaadiidka soo gala iyo kuwa ka baxa Magaalada Muqdisho Caasimadda ah kadib weerarkii hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
General Tuuryare oo hadal u jeediyay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Ex-Kontorool Afgooye ayaa u sheegay in dhmamaan Kontoroolada soo gala Magaalada Muqdisho baaritaan adag lagu sameyn doono gaadiidka soo gelaya si loo ogaado Gaadiidka Magaalada soo gala iyo kuwa ka baxa, isagoo si gaara u tilmaamay gaadiidka khudaarta soo geliya magaalada.
“Ciidamada waxaa la farayaa in ay baaraan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, weliba si gaar ah waa in loo baaraa gaadiidka khudaarta keena iyo wax waliba oo soo gelaya magaalada Gaari Dameerada iyaguna baaris dheeri ah ayaa lagu sameyn doonaa”ayuu yiri taliyaha ciidamada Nabadsugidda Tuuryare.
Taliyaha Hay’adda NabadSugidda ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono dadka soo gala Magaalada Muqdisho oo da’doodu ay ka yar tahay 40 sano, lana weydiin doono Aqoonsi iyo Damaanad intaba.
Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa qaarkood u muuqda kuwo aan waaqic ahayn, iyadoo mararka qaarkood taliyuhu iska soo saaro amarro ku kooban goobta uu markaasi ka hadlayo.
DHAGEYSO TUURYARE
Goobjooge.com