Monday, July 14, 2025

Taliye boolis iyo askari AMISOM ah oo lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho

Taliyaha Booliska Degmada Dharkenley Jimcale CabdI Maxamed, iyo askari ka tirsan ciidamada Booliska AMISOM ayaa lagu dhaawacay

iska hor-imaad ka dhacay Xerada Badbaado ee Degmada Dharkenley, magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa dhex maray Ciidanka Booliska ee Degmada iyo kuwa AMISOM oo  dhinac ah iyo koox dabley ah oo la sheegay inay xalay fal dhac ah ka geysatay  goob ganacsi oo ku taalla degmadaasi.

Dhaawaca Taliyaha ayaa la sheehay inuu yahay mid fudud, waxaana loo qaaday isbitaalka AMISOM oo lagu dawneynayo. Askari haweeney ah oo ka tirsan Booliska AMISOM una dhalatay Nigeria ayaa la sheegay inay howgalka ku dhaawacantay.

Koox ku lebisan dareyska ciidamada oo fal dhac ah ka geystay xaafadda Salaam ee degmada Dharkeynley ayaa goob ganacsi oo addeegga Internetka bixiso ka qaatay Computerro iyo Taleefannada gacanta, taasoo keentay in howlgalkan uu dhaco.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON