Taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM Gen. Mohammedesha Zeyinu ayaa booqday magaalooyinka Baardheere iyo Diinsoor ee gobolada Gedo iyo Bay oo dhowaan AMISOM iyo ciidamada dowladda federaalka ay la wareegeen.
Taliye xigeenka ayaa socdaalkiisu la xiriiray sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaaladaha ka jira degmooyinka Baardhere iyo Diinsoor oo ka mid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada la wareegeen. Maj. Gen. Mohammedesha Zeyinu ayaa ku amaanay ciidamada AMISOM howlgalada ay ka fuliyeen degmada Baardheere oo muddo dheer ay gacanta ku hayeen ururka Alshabaab.
Wuxuu kaloo taliye ku xigeenka AMISOM oo booqday magaalada Diinsoor ayaa ka codsaday ciidamada ku sugan inay si wanaagsan ula shaqeeyaan shacabka isla markaana ay sii kordhiyaan dadaalada ay ka wadaan dalka Soomaliya. Isagoo sheegay in ujeeddada howlgalkooda Soomaaliya ay tahay in laga adkaado, lana cirib-tiro Al-shabaab.
Ciidanka AMISOM iyo kuwa maamulka ka jira goboladan ayaa waxay dadaalo ugu jiraan sidii ay u adkeyn lahaayeen amniga deegaannadii Al-shabaab laga saaray, iyagoo shacabka ku boorriya inay lasoo socodsiiyaan wax walba oo ay u arkaan inay khatar ku yihiin oo ka imaanaya dhanka Al-shabaab.