Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Magalada waxay maanta uga hadleen xaalad feejignaan ah oo la geliyay magaalooyinka Puntland, kadib markii laga war helay qorshe Alshabaab ku dooneyso inay weeraro ka fuliso Puntland.
Shirka waxaa ka qeyb galay saraakiisha ciidamada Booliska, Taliska qeybta Booliska Nugaal, Laamaha Amniga iyo Sirdoonka, ujeedka shirkan ayaa lagu sheegay inuu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga Puntland, iyadoo la helay xogo ku saabsan in falal amaanka lid ku ah ay damacsan yihiin in Al-shabaab ay ka geystaan magaalooyinka Puntland.
Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada Puntland ay 15 nin oo lagu sheegay inay Alshabaab ka tirsan yihiin oo guri ku yaala magaalada Garowe ku qorsheynayay falal amni darro ah, iyadoo lala wareegay guriga ay ku dhuumanayeen.
Goobjooge.com