Taliyaashii hore ee Booliska iyo Birmadka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee xilka laga qaaday oo kala ah C/rizaaq Afgaduud iyo Cismaan Afdalow ayaa la sheegay in maxkamad ciidan la saarayo maanta.
Saraakiishaan ayuu dhowaan waxaa Xilka ka Xayuubiyay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas,kadib markii lagu Eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen Iska hor imaad uu ku dhawacmay wasiirkii Anmniga Putland, ayna ku dhinteen askar.
Xeer ilaalintaayaa dacwo ku soo ooray saraakiishaan kala ah C/rizaaq Afgaduud iyo Cismaan Afdalow oo ku eedeysan qas abuur iyo khalkhal gelin ammaanka ah.
Xeer Ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdikariim Xasan Firdhiye oo waraysi siiyay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay in ay suurgagal tahay in maxkamad la soo taago oo sharciga la marsiiyo Taliyihii hore ee Booliska Puntland Cabdirisaaq Afgaduud iyo Taliyihii Birmadka Cismaan Afdalow.
Goobjooge.com