Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa lagu dhaawacay dagaal duleedka degmada ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya ee Ceelwaaq iyo Al-shabaab, waxaana la sheegay inuu dagaalku dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Aadan ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen 6 ka mida ah kooxda Al-shabab, wuxuuna qirtay in dhinacooda ay ka dhaawacmeen laba Askari iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Ceelwaaq.
Al-shabaab dhankooda waxay sheegteen inay dileen weerar gaadmo ah ku laayeen ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Ceelwaaq.
Goobjooge.com