Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud sheegaya in gelinkii danbe ee maanta toogasho lagu dilay Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Galgaduud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Faarax Warsame Cilmi, iyadoo uu dilkiisa ka danbeeyay nin hubeysan.
Taliyaha oo lagu toogtay Saldhiga Ciidamada Booliska Degmada Caabudwaaq xilii uu ku sugnaa halkaasi, ninka dilka geystay ayaa ku hubeysnaa Qoriga loo yaqaano AK-47, wuxuuna baxsaday markii uu geystay dilka, balse waxyar kadib ayaa la sheegay in ninkii dableyda ahaa lagu dilay isla magaalada.
Sababta ninkan hubeysan uu u dilay Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Galgaduud ayaan la ogeyn, iyadoo aysan jirin cid weli xaqiijisay sida wax u dhaceen. Mana jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Caabudwaaq.
Goobjooge.com