Wararka laga helayo magaalada Jawhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in sarkaalkii ugu sareeyay nabadsugidda gobolka Shabeelaha Dhexe toogasho lagu dilay caawa, waxaana falkaasi ku dhaawacmay saddex askari oo kale.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cabdweli Ibraahin Maxamed ayaa la sheegay inuu toogtay askari ka tirsan ilaaladiisa oo hore uga soo goostay ururka Al-Shabaab, kaasoo laga cabsi qabo inuu weli xiriir la lahaa Alshabaab.
Waxaa la filayaa in maamulka Gobolka Sh/Dhexe dilka taliyihii ciidamada nabadsugida gobolka Sh/dhexe Cabdweli Ibraahim ay war ka soo saaraan.
Wararka ayaa sheegaya in dilkan oo ka dhacay xarunta nabadsugidda Jowhar loo xiray askar fara badan oo ka mida ciidamada nabadsugida gobolka Sh/dhexe oo shaki weyn laga qabo.
Xaalada Jowhar ayaa kacsan iyadoo ciidamo fara badan la geeyay magaalada caawa, waxaana socda baaritaan ku saabsan falkan, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan in askariga dilka geystay uu baxsaday iyo in la qabtay.
Goobjooge.com